Amni Xumo Soo Foodsartay Dad Danyar Ah
Hargaysa (Warkamaanta)Dadkii danyarta ahaa ee laga raray jajabka iyo xabalaha ee loo ragay buurta sheekh cumar dabadeeda oo ah meel aad uga fog gudaha hargaysa horana uga cabanayay gudoomiyaha gobalka maroodi-jeex (MR XAMARJI) oo si xoog ah ku dajiyay meeshaa cidlada ah ee aan lahayn biyo iyo laydh toona. Dhibaato badana ka haysatay adeega suuqyada hargaysa oo ay masaafad dheer u soo soconayeen waxaas oo mushaakil ah ee haysta dadkaa danyarta ah war uma hayo gudoomiyha gobalka maroodijeex (MrXAMARJI) tanina waxay keentay in dhalinyaro budhcad ahi u gasho dhexda kana furtaan waxa ay haystaan dadkaa danyarta ahi dhalinyaradan oo ku hubaysan qoryo ayaa dhibaato ku haya dadkan danyarta ah todobaadyadii u danbeeyayna ka soo cabanayay xaaladoodii nabadgalyo in ay xuntahay warkamaanta oo u kuur galay si uu wax uga ogaado arimahan ayaa waxa uu waraystay mid ka mida dadka dagan xaafadaa sheekh cumar noo sheegay in arintani ay dhab tahay oo ay ku dhacday isaga oo goor habeen ah u sii caraabaya gurigiisii waxnu yidhi sidan Anigoo gurigayga ku sii socda markaan dhaafay dugsiga sheekh cumar ee buurta la simanahay ayaa waxa iga soo hor baxay laba nin oo qoryo sidata waxanay igu yidhaadeen istaag waan istaagay markay I soo gaadheen ayaa waxaan argay niman bilaa dirays ah oo qoryo ku hubaysan waan naxay waxanay igu yidhaadeen maxaad sidataa waxaan ugu jawaabay waxba markii ay wax iga waayeen ayay igu yidhaadeen iska soco anigoo afariirsan ayaan dag dag u dhaafay illaahayna u mahad naqay
xaaladan nabadgalyadarada abuurtay ayaa sii fiday oo gaadhay dadkii danyarta ahaa in guryahoogii lagu doonto . habeenkii xalay ahaa ayaa dhawaqa dhasaasbadan laga maqlahay xaafadaa sheekh cumar
shalay subaxdii ayaa xafiiska godoomiyaha gobalka maroodijeex (Mr XAMARJI) dadkii danyarta ahaa la hor yimaadeen cabasho ay ka cabanayaan budhcadaa hubaysan ee naftoodii halsta galisay
xaaladan hadii dag dag wax looga qaban waayo waxa ay sababikartaa in ay u gudubto xaafadaha kale ee hargaysa
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.