Warkamanta

Qodabadii Ka Soo Baxay Maanta Shirkii Taleex

 

Qodabadii Ka Soo Baxay Maanta Shirkii Taleex Oo Ahaa In Maamul Gobaleed
Laysku Raacay Iyo Talaabada Ay Qaadayso Dawlada Somaliland

Hargaysa (Warkamaanta)Shirweynihii Khaatumo2 ayaa waxaa maanta lagu gaadhay Go’aamo cul culus,  waxaa maanta xaadir ku ahaa shirweynaha Khaatumo2 Ergo gaadhaysa 345, Qodobo fara abdan oo ay ka mid tahay Nabadeynta, Mideynta iyo maamul u sameynta ayaa lagu lafa gurey shirka maanta, waxaana ergadu si aqlabiyad leh u ansixyeen in maamul Goboleed buuxa ay samaystaan dadka ku dhaqan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayadoo lagu soo darayo maamulka dadka la dega ee aan ayagu ka soo jeedin Beesha Dhulbahantaha.
Waxana qodobada la isku raacay ka mid ah in si cadaalad ah loo qaybsado maamulka, isla markaana uu noqdo maamul axdi adag oo dhibida loo aastay, Codka ayaa aha agacan taag, waxaana loo qaybiyey cidii diidaysa in maamul asameeyo oo laga codsay inay gacanta taagaan, ciodii ka Aamusaysa iyo weliba qofkii ama cidii doonaysa in la sameeyo maamul buuxa, gebi ahaan waxaa la wayey qof diida ama ka aamusa, waxayna guud ahana ergadii 345 xubnood ahayd ansixiyeen inay doonayaa maamul goboleed buuxa, oo Golayaashiisa, Garsoorka, Sharci dejinta iyo Fulinta ka kooban.

Wasiir Duur oo hore loo waydiiyay shirka taleex hadii ay ka soo baxaan go,aano qaranimada Somaliland ka soo hor jeeda talaabada ay xukuumadu qaadi doonto ayaa ku jawaabay “Waxaanu qaban karaynaa in dhibaatada Taleex ka dhacaysaa ay mid iyadda ku eg ay noqonayso, haddii beel arinsanaysana waata aanu u daynayno, waxbaanu qaban karnaa oo ciidan-bay Somaliland leedahay, maamul-bay leedahay markaa talaabo kasta oo qaran qaadi karo ayay Somaliland qaadi kartaa, laakiin tudhaale ayaa jira, Taleex-na maaha meel Somaliland ka baxsan oo horena waa loo gaadhay imikana waa la gaadhi karaa, laakiin haddii ay talaabooyin khatar ku ah Somaliland shirkaa ka soo baxayaan waata aanu ka digeyno, haddii ay soo baxaana waxaanu qaadeynaa talaabo kasta oo qaran xaq u leeyahay inuu qaado.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Shirkaasi in khatar ka iman karto way noo muuqatay.”

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.