Warkamanta

Isbadalkii Dhabta Ahaa Ee Ay Sheegayeen Xukumada Kulmiye

 

Isbadalkii Dhabta Ahaa Ee Ay Sheegayeen Xukumada Kulmiye
Ma Waxa Uu Noqday Rabitaanka Somaliya

Qalinkii Aamiin siciid This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Hargaysa (Warkamaanta) Marka hore waxaan salamayaa umada reer soomaliland dibad iyo gudaba salaan kadibwaxaan iftiiminayaa in xukumada uu hogaminayo madaxwayne siilaanyo sanad iyo badhkii ay jirtay inay ku guuldaraysatay hogaaminta iyo jiritanka qaranimada Somaliland hadaba waxa malinba malinta ka danbaysa soo if baxayay in xukumada siilaanyo ee siyasadeedu ku jihaysantahay rabitanka Somaliweyn taa soo aynu ku daremi karno inay ku kacday talaabooyin wax u dhimaya gooni isku taaga Somaliland oo ay kamid yihiin arimahan hoos ku xusan
1- waxay ka qayb gashay xukumada siilaanyo shirkii somaliwayn ee ku qabsoomay Kenya oo lagaga wada hadlayay arimaha nabadaynta somaliya isla markaana waxa uga qab galay Somaliland wasiirka arimaha dibada
2- waxa jirtay in niman siyaasiyiina oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo xilal ka haya Somali wayn isla markaana aaminsanaa in ayna jirin wax soomaliland la yidhaado
Ay si badheedh ah u yimaadeen hargaysa xukuumadu wax talaabo ah oo ay ka qaaday may jirin waxaan xasuusan karnaa jaamac yare oo madaarka hargaysa ka soo dagay isla markaana si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka hargaysa isagoo wali aaminsan Somaliwayn wax cafis ahna xukumada waydiisan iyo siyaasiyiin kaloo badan iyaguna ay yimaadeen gudaha dalka
hadaba sida aynu wada ogsoonahay dowladihii hore ee ka horeeyay xukumada siilaanyo ay ka mamnuuc ahaaheen inay yimaadaan Somaliland
3- waxa kaloo aynu wada ogsoonahay in xukumada siilaanyo ay deeq gaadhsiisay koonfurta Somalia iyadoo deeqdaa ay u baahnaayeen muwaadiniin reer soomaliland ah oo ay sameeyeen abaaraha geeska ka jiray arimahan ay ku kacayso xukumadu oo ay dhaleeceeyen culimada iyo xisbiyada mucaaridka ah kuna tilmaameen deeqdaasi inay tahay mid loogu gabanayo ka midnoqoshada Somalia
4-waxa kaloo jira in howlo wax u dhimaya dowladnimada Somaliland ay ku kaceen beel ka mid ah beelaha dagan Somaliland. Hadaba waxa aynu wada ognahay in beesha dhulbahante ay shirweyne ay u wada dhan yihiin ku qabsadeen magaalada taleex shirkaas oo uu ka muuqday calanka soomaliya
hadaba side ayay u aragtay xukuumada madaxweyne siilaanyo
Xukuumadu waxa ay indhaha ka qarsatay calankaa soomaliya oo gudaha soomaliland ka babanayay waxanay shirka ku tilmaamtay in dhulbahante kaga wada hadlayaan danahooga beel dhaqan waxa kaloo ay xukuumadu ka digtay hadii shirka ay ka soo baxaan qodobo ku liddi ah dawladnimada Somaliland ay talaabo ka qaadi doonto difaacina donto qaranimada taasina waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay waayo beesha dhulbahante waxa ay shirka taleex ka soo saareen qodobo ay isku raacsan yihiin in ay samaysteen maamul gobaleed ay iyagu maamuli doonan sool sanaag cayn hoostagi doonana dawlada KMG ee soomaliya
Hadaba waxa ay dad badani is waydiinayaan waxa ay wax uga qaban laadahay xukuumadu xaga dad badani armihan ku fasireen in ay tahay jidkii loo marayay soomaliya
Xukuumaduna ku fashilantay in ay wax ka qabato dalkan gobal gobalka u sii googo,aya
Qormadaydan oon ku soo koobayay isbadalkii dhabta ahaa oo noqday mid soomaliweyn kamid noqoshadeeda raali ay ka tahay xumuumada siilaanyo
Hadaba muwaadin sideebaynu wax uga qaban karnaa arimahan xukumad iyo shiciba
waxa is waydiin mudan talabada ay xukumadu qaadi doonto iyo khudbaduu madaxwayne siilaanyo bari ka jeedinayo labada gole barlamanka iyo guurtida