Warkamanta

“Saaka Aroortii Hore Ayay Kuwaa bariisteen Ciidamadda Somaliland

 

“Saaka Aroortii Hore Ayay Kuwaa bariisteen Ciidamadda Somaliland Magaaladda Buuhoodlle, Wayna Qabsadeen Magaaladdii”. Wasiir Xaabasadde

 Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ka hadley dagaalkii saaka ka dhacay magaaladda Buuhoodle waxana uu sheegay in xaaladdu ay hadda degan tahay

 

Hargeysa (Warkamaanta)- Wasiirka Waraafinta somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa sheegay in ay ku guulayteen ciidamadda Qaranka Somaliland in ay gacanta ku dhigaan deegaanka Buuhoodlle. 

Wasiirku waxa uu sheegay in Magaaladda Buuhoodlle ay gacanta ugu jirto ciidamadda Qaranka Somaliland, isla markaana ay dagan tahay Xaaladdeede, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay khadka Tilifoonka. 

Wasiir Xaabsadde waxa uu tilmaamay in dagaalkka lagu soo qaadey Somaliland balse Ciidamadda somaliland ay ka guulayteen dadkii wadday dagaalkaas. 

Axmed Cabdi Xaabsadde waxa uu tilmaamay in uu dagaalka lagu soo qaadey ciidanka qaranka isla markaana uu socdey illaa habeen horre “Waa nalagu soo qaaday dagaalka xalay iyo habeen hore ayaana marba meel nalagaga soo qaadeyay” 

Xaabsadde oo la weydiiyay khasaaraha dhanka somaliland ka soo gaadhey ayaa waxa uu ku jawaabey “ma jirto khasaare na soo gaadhey marka laga reebo afar dhaawac fudud ahi”. 

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamadda somaliland ay ku waabariisteen saaka aroortii magaaladda Buuhoodlle. “Saaka aroortii hore ayay kuwaabariistee Ciidamadda somaliland Magaaladda Buuhoodlle, wayna qabsadeen magaaladdii”. Ayuu yidhi Xaabasadde 

 

Siciid axmed cakuule

Hargeisa somaliland

warkamaanta-office