Warkamanta

Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Bulshada Soomaalind Ugu Baaqay

 

Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Bulshada Soomaalind Ugu Baaqay In Ay Iskugu Soo Baxaan Banaanbax Ay Ku Muujinayaan Shucuurtooda Wadaninimo
Beesha Caalamkana Kaga Dalbanayaan Ictiraaf Caalamiya

Hargeysa (Warkamaanta) xukuumada asxaabta qaranka iyo ururada siyaasada, ayaa maanta si wada jir ah uga hadlay banaan bax balaadhan oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland iyo ciidamada qaranka ee jiida hore, iyo waliba in soomaliland beesha caalamka ka hesho ictiraaf caalamiya kaasi oo loo asteeyay in laga qabto magaalooyinka waaweyn ee dalka maalinta Axadda Bari. Maadama oo ay soomalland buuxisay shuruudihii looga baahnaa hanaan dawladnimo Sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCiD waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyada, waxaanay sheegeen inay u midaysan yihiin difaaca danaha qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay inay midnimada qaranimada Somaliland tahay muqadas.

“Midnimada iyo qaranimada Somaliland waa muqadas cidii taas ka soo horjeedaana waa u cadow, sidaasi darteed waxaanu shacbiga u soo jeedinaynaa inaynu maalinta bari iskugu soo baxno mudaharaad salmi ah oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland. Waa in banaan baxani noqdaa mid la isku xaq-dhawro oo dadka waayeelka ah iyo carruurta la xaqdhawro,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay axsaabta dhaqan u ahayd inay u midoobaan qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa jirta dan qaran oo la wada leeyahay oo axsaabta ka dhaxaysa, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa Geel Jire Geella wuu wada jiraa hadana wuu kala jirtaa. Danta qaranka waa la wada jirtaa. Waxaad moodaa in qaranimadeenii lagu soo duulay.”

“Dad dibadaha ka yimid ayaa fidmo ku soo tuuray dalkeenii, waxaan doonaynaa inaan mudaharaadkan ku muujino inaynu u midaysan nahay qaranimadeena oo aanu garab taagan nahay dawlada iyo ciidamada qaranka. Waxaan ku baaqaynaa in barito inaga oo mid qudha ah oo cod kaliya ah inaan dunida tusno inaan Somaliland shacbigeedu doonayn in dalka la kala gooyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Sidoo kale, Md. Axmed Ismaaciil (Keyse) oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ee UDUB ayaa sheegay inaanay dalka waxba yeeli Karin shakhsiyaad dibada ka yimid oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay kala dhantaalaan Somaliland.
“Waxaan doonaynaa inaan mudaharaadkan ku muujino dareenkeena iyo sida ummadda, axsaabta siyaasadda iyo xukuumadda Somalilandba uga midaysan yihiin difaaca dalka iyo midnimada qaranka,”ayuu yidhi Md. Axmed Keyse.