Warkamanta

Adan Waqaf Waa Kuma?


waqafMonday, January 09, 2012 inoo soo koobtay noloshii Adan Waqaf oo dadka Somaliland ay aad u daraymayaan geeridisa umada oo dhan ka nixisay.

(Warkamaanta)Marxuum Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo kamid ahaa siyaasiyiinta waa weyn ee Somaliland, xilal kala gedisana ka soo qabtay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku geeriyooday waddanka Malaysia. Geerida Aadan Waqaf ayay si aad ah looga dareemay waddamada qurbaha. Ilaa xalay markii uu soo baxay warka shegaaya geerida Marxuum Aadan Waqaf waxaa si aan kala joogsi lahayn nosoo gadhaayay tacsiyadaha marxuumka ku socda, yadoo dadka laga dareemaayay murugada ay ka mujiyeen Geerida Marxuum Aadan Waqaf.

Aadan Maxamed Mire (Waqaf) wuxuu muddo dheer ahaa guddoomiyihii wakaaladii guud ee gaadiidka wixii laysku odhan jiray  Somaaliya, yado wakhtigaas uu xukumaddii Somaaliya uga masuul ahaa dhammaan gaadiidkii kala gedisana ee dawladda haday yihiin kuwa ciidamada iyo gadiidka kale ee xukuumaddu is ticmaali jirtay, sidoo kale Aadan Waqaf wuxuu xilal ka soo Adan Maxamed Mire Waqafqabtay Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ahaa Maayarkii Magaaladda Burco, yadoo lagu xasuusto muddadii uu Maayarka ka ahaa Caasimadda Gobolka Togdheer magaalada Burco, wadooyin badan oo uu baneeyay iyo maamul wanaag. Markaas kadib wuxuu noqday wasiiru dawlahii wasaaradda arrimaha gudaha, xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, xilkaas oo uu muddo hayay, waxaana runtii lagu xasuusta wakhtigii uu Wasiiru dawlaha ka ahaa arrimaha gudaha, yadoo uu  in mudda ahna hayay xilka wasaarada oo dhan. Kadib marii Madaxweyne Rayaale xilka ka qaaday Ismaciil Aadan Cismaan (Ismaciil Yare) wuxuu Marxuum Aadan Waqaf hawlo badan oo nabadgelyada khuseeya ka gaystay wasaaradda arrimaha gudaha. Tasoo ay ugu caansanayd shaqaaqo loo maaro waayay oo wakhtigaas ka taagnay Magaalada Burco, shaqaqadaas oo ahayd dilal aanoyin ah oo nabad galyada khatar galiyay wakhtigaas. Sidoo kale wuxuu wax wayn ka gaystay degmooyinka dalka oo xafiiskiisa wasiiru dawlaha arrimaha guduhu qaabilsanaa.
 
Markii danbe waxaa loo magacaabay Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland, xilkaas oo uu Aadan Waqaf muddo ahayay, ka hor intii aanu xilkaas ka qaadin Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale. Markii uu baneeyay xilka Wasaaradda gashaandhiga, wuxuu Aadan Waqaf noqday, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Ucid, xilkaas oo uu hayay tan iyo khilaafkii baahsanaa ee Xisbiga Ucid ku yimi. Alle hawnaxariiste Xukunkii Maxkamadda Dastuuriga Somaliland ay ku kala saartay Garabyadii Ucid markuu dhacay, wax yar kadib waxaa Aadan Waqaf ku soo booday Xanuun, ka soo loo qaaday Waddanka Malaysia oo uu ku geeriyooday hadda.
 
Marxuum Aadan Maxamed Mire waxaa lagu tilmaami jiray siyaasi afgaaban oo aan hadlo dhaadherayn, isla markaana ku wacan shaqada kuna fiican hawsha uu markaas hayo. Wuxuu caan ku ahaa gaar ahaan lagu bartay wakhtigii uu Maayarka Burco ka ahaa, shakhsi dadka ku hanuuniya wadaniyada, isagoo soo kaxaysan jiray kooxaha baan boyda markuu banaynaayo wadooyinka la xidhay. Si kastaba ha ahaate waxaan laysku khilaaf sanayn inuu ahaa siyaasi ay tabi donaan bulshada rer Somaliland. Haddii aanu nahay bahda Hadhwanaagmedia waxaanu alle uga baryaynaa marxuum Aadan Waqaf inuu jannadii ka waraabiyo, ehelkiina samir iyo imaan ka siiyo.
Muniir Axmed Cigaal


Email This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.